Gudoomiyaha Suxufiyiinta oo ku baaqay In la sii daayo Lamaanayaasha Ingiriiska+Sawir

Gudoomiyaha Suxufiyiinta Qurba jooga Soomaaliyeed ee dalka Kenya Maxamed Cabdulaahi Aadan Siidii ayaa Kubaaqay in lasiidaayo Lamaana yaasha u dhashay dalka Ingiriiska ee Afduubka loogu haysto Xeebaha dalka Soomaaliya.

Gudoomiyaha oo ka hadlayay Munaasabad ay qabteen Soomaalida ku ku dhaqan Magaalada Nairobi ee dalka kenya, taas oo lagu Codsanayay Siidaynta Labada Lamaane ee u dhashay dalka Ingiriiska ee Xeebta Xarardheere Mudada dheer Afduubka loogu haysto, ayaa baaq udiray Waxgaradka,odayyaasha iyo Dhamaan Bulshada Soomaliyeed in ay kaqayb qaataan Siideynta Labada Lamaane ee Xeebta Soomaaliya lagu haysto.

Maxamed Cabdulaahi Siidii ayaa si gaar ah uga Codsaday Aqoonyahanada iyo Waxgaradka kudhaqan Xarardheere in ay Ka qayb qaataan Siidaynta labada Lamaane, oo Maanta ay ilaaliyaan Sharafta iyo Sumcada ay leeyihiin Shacabka Soomaaliyeed,waxaana uu sheegay Gudoomiyaha in Qofkasta oo Soomaali ah ee leh damiir Soomaalinimo looga baahan yahay in uu dareenkiisa iyo dadaalkiisa kaga qayb qaato sidii dadkaas ay Xornimadoodii dib ugu heli lahaayeen.

Gudoomiye Siidii ayaa sidoo kale Suxufiyiinta Soomaaliyeed ugu Baaqay meel kasta oo Caalamka ay ka joogaan in ay qalinkooda iyo Codkooda kaga qayb qaataan Sidii lagu sii dayn lahay Dhibane yaashaan Kujira gacanta Burcad Badeeda Soomaalida, waxaana uu sheegay in Awooda Suxufiga ee arinkaas ay tahay in qalinkiisa uu ku Taageero Labadaas Lamaane iyo sidii ay Xoriyadooda dib ugu heli lahaayeen.


Gudoomiyaha Suxufiyiinta Qurba Jooga Soomaaliyeed ee dalka Kenya ayaa ugu danbayntii u Mahad celiyay Suxufiyiintii iyo Wax garadkii Soo abaabuley Barnaamijkan oo lagu muujinayay Sida Soomaalida ku dhaqan dalka Kenya gaar ahaan Magaalada Nairobi ay uga xun yihiin haysashada Labada Lamaane ee u dhashay dalka Ingiriiska ee Ku jira gacanta Burcad Badeeda ka jirta Xeebaha dalka Soomaaliya.

Designed by :Hussein isak (fanax) Email:xuseenfanax99@hotmail.com