Wariye fiidow maxamuud fiidow oo isu taagay xilka madaxtinimada Ardayda Somaliyeed ee Sudan.

Wariye fiidow maxamuud fiidow ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday inuu isku soo taagi doono xilka madaxtinimada midowga arday soomaaliyeed ee ka dhisan dalkan sudan oo lagu wado inuu maalin jimcaha ee soo socota ka dhacdo hoolka shahiid xaaji nuur ee jaamacada Africa.
Wariye fiidow ayaa sheegay in uu go’aansada inuu isku soo taago xilka madaxtinimo ee midowga ardayda kadib markii uu arkay howsha muhiimka ah ee uu u hayo midowga shacabka soomaaliyeed gaar ahaan ardayda wax kabarata jaamacadaha kala duwan ee dalka sudan asigoo ah midowga kan kaliya ee matala dadka soomaaliyeed jooga dalkan.
“waxaa jirta in midowga arday soomaaliyeed ee dalka sudan uu helo deeqo waxbarasho oo loogu tala galay umada soomaaliyeed meel kasta ay joogaan iyo barnaamishaad kale oo aan halkan lagu soo koobi karin taasna waxaad moodaa in laga gaabiyay oo si yaabo gooni ah loo isticmaalay oo aan lagu bixinin meelihii loogu tala galay ee aan soo sheegay “ sidaana waxaa yiri wariye fiidow la hadlayay saxaafada .
Tan ayaa waxey ku soo beegmeysaa xili maalmihii la soo dhaafay laga dareemayay magaalda Khartoum ee caasimada dalka sudan ololaha doorashada midowga arday soomaaliyeed lagu wado in maalinta jimcaha soo socoto si loo soo dhiso gudiga fulinta ee midowga arday soomaaliyeed ee dalka sudan

xigasho-gobolada.com

www.wariyaha.com

Maamulka Wariyaha.com Kala xiriir Email:suxufi@yahoo.com

 

Designed by :dayaxtechnology Email:dayaxtech@hotmail.com