wariyayaal Garowe lagu xiray oo xuriyadooda helay

wariyaasha cabdiqani makhtal iyo cabdiraxmaan cumar cabdi oo ka hawl gala deegaanadda ssc ayaa ciidamadda police-ka ee magaaladda Garoowe waxa ay u taxaabeen saldhiga xili ay doonayeen in ay magaaladda uga safraan dhanka Laascaanood waxana wariyayaashan soo qabtay Taliyaha ciidanka policeka ee G/nugaal Cabdiraxmaan Qaanqaan

Suxufiyiintan oo xidhnay muddo 24 saacadood ah ayaan loo sheegin sababta loo xidhay iyada oo loogu soo koobay in Dawladda Puntland ay haysato oo kaliya

ma jirto cid ka hadashay xadhiga wariyaashan oo Xukuumadda ah balse dhawaan ayey ahayd markii xukuumadda Puntland ay go'aan ka soo saartay Hugaanka SSC in cidii taageersan ay mamnuuc ka tahay Puntland iyada oo suxufiyiintana ay ka hawl galaan Buuhoodle oo ay gacanta ku hayaan SSC isla markaa ay ku khasban yihiin in ay wararkooda baahiyan, Puntland ma aysan sheegin go'aan ku aadan Saxaafadda oo ku jawahan SSC

caawo fiidnimadii ayaa labadan suxufi waxa ay dib u heleen xoriyadood walow ay jirto damaanad lagu sii daayey

www.wariyaha.com

Maamulka Wariyaha.com Kala xiriir Email:suxufi@yahoo.com

 

Designed by :dayaxtechnology Email:dayaxtech@hotmail.com