Weriye u shaqeynayay Wargays madaxbanaan oo ka soo baxa dalka Rwanda ayaa toogasho lagu dilay gurigiisa hortiiisa oo ku yaala caasumada dalkaasi ee Kgali.

Weriye u shaqeynayay Wargays madaxbanaan oo ka soo baxa dalka Rwanda ayaa toogasho lagu dilay gurigiisa hortiiisa oo ku yaala caasumada dalkaasi ee Kgali.

Goobjoogayaal ayaa sheegya in Weriye  Jean Leonard Rugambage oo ahaa Tifaaftirihii Wargayska Umuvugizi newspaper, ay rasaas ku rideen niman hubaysa ayna ku baxsadeen gaari, Isna uu ugu geeriyooday dhaawac rasaaseedkaasi cusbataalka magaalada Kigali ee dalka Rwanda.

Dowladda dalkaasi Rwanda ayaa dhawaan joojisay Wargayska Umuvugizi newspaper , isla markaana ku qasabtay in uu wax ku baahiyo qaabka Internedka oo kaliya ee Bogiisa, halkii uu Wargays ahaan u soo bixi lahaa.

Dilka Weriyahan ayaa ay booliska dalkaasi sheegeen in aysan ka warhayn cidda ka dambaysay, balse Madaxa Tifaaftirka Wargayskan Umuvugizi newspaper Mr. Jean Bosco Gasasira oo masaafuriska ku jooga dalka Uganda, ayaa ku eedayay dilka Weriyaha Xukumadda dalka Rwanda.

“Waxaan hubaa 100% in cidda dishay Weriyaha ay ahaayeen ilaalada amaanka Qaranka dalka Rwanda,” sidaasi waxaa u sheegay Idaacada VOA-da Madaxa Tifaaftirka Wargayskan Umuvugizi newspaper Mr. Jean Bosco Gasasira oo bishii April naftiisa kala baxsaday dalka Rwanda, kaddib markii ay xanibaad ku soo rotay dowladda dalkaasi Wargayskiisa Umuvugizi newspaper.

Mr.  Jean Bosco Gasasira, ayaa sidoo kale sheegay in ay soo maleegtay dowladda Kigali shirqoolka lagu dilay Weriye Jean Leonard Rugambage oo ugu dhintay cusbataalka dhaawac ka soo gaaray rasaas ay ku fureen niman hubaysan.

 

W/Q Mohamed Ali Royter
Maxamedroyter@hotmail.com
Nairobi, Kenya

www.wariyaha.com

Maamulka Wariyaha.com Kala xiriir Email:suxufi@yahoo.com

 

Designed by :dayaxtechnology Email:dayaxtech@hotmail.com