Suxufiyiin Caan ah oo maanta ku dhaawacantay Magaalada Muqdisho.

Madfac kusoo dhacay goob ay ku wada sugnaayeen in ka badan 10-saxafi oo howl gala warbahinta qeybeheeda kala duwan iyo mas’uuliyiin ka tirsan xarakada mujaahidiinta Al-shabaab oo uu ku jiro afhayeenka xarakadaasi Sheekh Cali dheere ayaa waxaa ku dhaawacmay qaar kamida saxafiyiintii halkaasi joogay.

Saxafiyiinta halkaasi ku dhaawacmay waxa kamid ahaa Ilyaas Axmed Abuukar oo ah sawir qaade u shaqeeya wakaladda EPA iyo C/nasir Abuukar Xareed oo ah kaamira man ka howl gala talifishinka afka carabiga ku hadla ee Al-jazeera.

Waxaa sidoo kale halkaasi uu dhaawacyo fud fudud oo aan sidaa u buurneyn kasoo gaaray C/naasir Xirsi Iidle oo Hornafrik ka tirsan iyo Muuse Jisoow oo kamid ah qorayaasha bogga Somalisan.

Dhamaan wariyayaashi halkaasi ku dhaawacmay ayaa la soo warinayaa in dhaawacyadooda ay aad u fududyihiin.

Qaar kamida wariyaashii dhaawacmay ayaa waxaa u suurta gashay in howshooda ay sii wataan dhaawac kadib.

www.wariyaha.com

Maamulka Wariyaha.com Kala xiriir Email:suxufi@yahoo.com

 

Designed by :dayaxtechnology Email:dayaxtech@hotmail.com