SOCJA oo bilowday sanduuq cusub oo lagu caawinayo suxufiyiinta dhawacan , kana codsatay dadka Somaliyeed in ay kawada qeybqaataan .

Kadib markii ay korortay tabaalada baahsan ee ku dhacaysa suxufiyiinta Somaliyeed , ururka suxufiyiinta koofurta iyo bartamaha Somalia (SOCJA) ayaa furay sanduuq cusub oo loogu talagalay in lagu caawiyo suxufiyiinta somaaliyeed ee dhibaatada ay kaga imaato dagaalada ay ku dhexshaqeynyaan iyagoo naftooda qaaliga ah u hura danta umada Somaliyed ee colaada ay aafeysay si mutadawacnima ah.
SOCJA ayaa si xoogan uga codsatay dhamaan dadka somaliyed inay gacan weyn ka geystaan sidii loo hirgalin lahaa sanduuqaani oo ay u caawin lahaayeen suxufiyiinta dhaawcan iyo qoysaskii ay ka tageen kuu wii hore ugu dhintay colaadaha Somaliya ka dhacaaya, isagoo kahadalayay baaqan ay u dirayaan muwaadinkasta oo somaliya ayaa ugu horeyntii gudoomiyaha ururka suxufiyiinta (SOCJA) waxaa sharaxay ujeedada sanduqani loo furay iyo tabarucaada ay doonayaan “
madaama suxufiyiinta somaliyed ee dalka manta kusgan ay yihiin kuwa dhibtaada dareemaya , ee mar walba ladilayo, la dhaawacayo,
oo caga jugleynayo, dhibaatoyinka intaasi la eg ay si baratik ah u arkayaan, waxaa xil naga saran in aan sheegno dhibaatadeena somalidu waxay tirahadaa wii ad qarsato ayaa ku qarsado,
anga manta waxaan cadeyneynaa in aan nahay dhibanayaal hadaan nahay suxufiyiinta dalka ku hartay, anigoo ku hadlaya magaca (SOCJA) waxaan si dareen leh uga codsanayaa dhamaan muwaadiniinta soomaliyed eek u nool gudaha iyo dibada , gaar ahaan jaaliyadaha somaliyed , sharikadaha ,
ganacsatada ,
iyo cid waliba ee fahmi karta shaqada suxufigu uu u hayo umada somaaliyed ee baa, ba san in ay ka qeyb qaataan taakuleynta sanduuqaan,
oo ay noogu deeqaan inta ay awoodi karaan, sidaa darted waxaan rajeynayaa in arintaan ay waxbadan ka qaban doonto dhibaatooyinka ku habsaday shaqada wariyayaasha somaliyed ee u guntaday in ay dalkooda nabad u raadiyaan,
Sidoo kale Afhayeenka ururka suxufiyiinta koofurta iyo bartamaha somaliya ee marka magaciisa lasoo gaabiyo layiraahdo (SOCJA) Ismaaciil Cali Cabdi Taxte ayaa cod qiiro leh ku muujiyay sida ay uga go,antahay urukooda wax u qabashada suxufiyiinta dhibaatadu ay gaartay isagoo si toosa ugu booriyay bulshada rayidku in ay isgarabtaagaan suxufiyiinta , islamarkaana ay gacan mugleh ka geystaan in uu shaqeeyo sanduuqa lagu caawinayo wariyayasha dhawacyada qaba ee aan helin daryeelkii ay mudnayeen,
“ dadka gudaha jooga waxaa ay deeqahooda soo marin karaan telefoonada hoosku qoran, sharikada Dahabshiil, ama adeega saad , numberada -0615860088,-0615531040, .
Rasmi Maxamud Xebow oo iyana ah xogheynta ugu sareysa ururka (SOCJA) ayaa iyaduna waxaa ay tilmaantay sida waqtigan loogu baahanyahay in lahalo sanduuq caawiya wariyayaasha soomaliyed ee maganta u noqday musiibooyinka isdabajooga ah ,
Rasmi xeebow waxaa ay sheegtay in sidoo kale ay taariqdu qoreyso shaqsiyaadka, sharikadaha ama ganacsatada gacanta ka geysta sanduuqaa.
Waa markii ugu horeysay ee la bilaabo sanduuq lagu caawinayo suxufiyiinta somaliyeed,
Waxaana ay arintaani kusoo begmaysaa maalmo un kahor markii tiro suxufiyiina ay ku dhaawacmeen goob kamid aaga dagaalada ee waqooyiga magaalada Muqdisho.
Hadaba hadii aad ka qeybqadaneyso taageerada sanduuqa caawinta suxufiyiinta waxaad lsoo xariirtaan telefonadan, +2520463300/+25215860088/+2520400030
www.wariyaha.com
Maamulka Wariyaha.com Kala xiriir Email:suxufi@yahoo.com |