Wariye C/qaadir Maxamed Cashar Nadaara oo Shaqadii TV-ga Universal Laga joojiyay

Agaasimaha TV-ga Universal Eng- Axmed Abuukar ayaa ku dhawaaqay in shaqadii ay ka ceyriyeeen wariye C/qaadir Nadaara oo ahaa Soosaarihii Barnaamijkii uu Ka soo min Guuriyay Idaacada Hornafrik ee magaalada Muqdishoee XOGWARAN.
Sababta shaqada looga ceyriyay wariye Nadaara ayaa lagu sheegay kadib markii uu si qalad ah oo aysan aqooni ku jirin u daadihiyay Barnaamijka Xog waran kasi oo loogu gafay Maamulka Soomaaliland Balse uusan Nadaara Islamrkii arintaasi dhacday uusan Cudurdaarkii loobaahnaa Kabixin.
Waxaa dadbadani aad ula yaabeen markii shaqo kajoojinta Wariye nadaara lagu soo daray warka idaacada taasoo kadhigan mid aad looga bad badiyay.
Wariye Nadaara ayaa kamid ahaa wariyayaasha ugu fir fircoonaa TV-ga Universal waxaana dadbadni aaminsanyihiin in TV-gu tabi doono Howlaha uu Nadaara u hayay.
Wariye Nadaara ayaa in badan ka soo shaqeeyay Gudaha Soomaliya Gaar ahaan Idaacada iyo Tv-ga Hornafrik ee Magaalada Muqdisho.
www.wariyaha.com
Maamulka Wariyaha.com Kala xiriir Email:suxufi@yahoo.com |