Fanaanka Abwaanka Laxamistahay Xasan Dhuxul (Laab salaax) oo ku luqeeyay heesta laga daba dhacay ee DAL SHISHEEYE.

Fanaanka xasan dhuxul oo lagu Naynaaso Laab salaax ayaa mudooyinkii danbe galka kala baxay seeftiisii xaga fanka ahayd taasoo keentay in dadbadan oo Soomaaliyeed ay aad u xiiso galiso  dhageysiga heeso badd ah oo uu soo saaray.

 

Xasan dhuxul ayaa kaga duwan inta badan Fanaaniinta in uu isagu heesaha Sameysto Laxamaysto Hadana codkiisa uu ku qaado taasoo ah hibo eebe uusan wada siin fanaaniinta Soomaaliyeed iyo xitaa kuwa caalamka.

 

Heesta ay aad ujecleysteen Dadweynahay Dhagaysta idaacadaha Nairobi iyo xitaa inta ka dhagaysatay Barta uu fanaanku ku leeyahay Facebook-ga ayaa ah heeska (Dal shisheeye) oo dadkii dhagaystay intooda badani sheegeen in ayba iyaga quseeyso.

 

Heeska dal shisheeye waxaa uu faananku sheegay in Ereyada uu sameeyay Abwaan lagu magacaabo Axmed Sodon oo hada kusugan wadanka Koonfur afrika ahna qofka ay qisada heeskaasi ku dhacday.

 

Ereyada heesta waxaa ka mida:-

 

LABADII ISDOORTEE

KU HESHIIYA DOOKHEE

WEHEE DIRADIRALAHA

KALA DILA MA WAAYAAN

RUUXAAN DEYMA DHEEREYN

DABIN KAMA FOGAADEE

AQALKII DUGSOONAA

ADIGAA ISKA DUMIYOO

DABEYLAHA U SOO BAXAY

DUULAAN COLAADEED

DAWO KEENI MAAYEE

YAA DUEBAANKA KUU TUMAY

DAL SHISHEEYE RUUX JIRA

DAWO KAMA SUGAYSIDE

HA KU DAALIN KUGU YIRI?

Halaan ka dhagayso heesta halkaan ku dhufo
Fanaan Xasan dhuxul ayaa sidoo kale Sameeyay heeso dhoowr ah oo qaarkood ay ku luqeeyaan Fanaaniin uu Ka midyihiin  Cawaale Aaden, Cabdid dini iyo fanaaniin badan waxaa sidoo kale jira heeso kale oo uu isagu qaado.

 

 

 

www.wariyaha.com

Maamulka Wariyaha.com Kala xiriir Email:suxufi@yahoo.com

 

Designed by :dayaxtechnology Email:dayaxtech@hotmail.com