Door intee le eg ayey wariyayaasha soomaliyeed ka ciyaari karan Nabada?

Inagoo maanka ku hayna in saxaafadu tahay hogaanka rasmiga ah ee bulshada ayaa laga duuli karaa in ay gacan kageysato soo helida Nabada Soomaaliya.
Marka aad baranayso saxaafada Baraha ugu horeeyaa waxaa uu kuusheegayaa in Saxaafadu tahay Seef Laba af leh una dhaqaaqi kartaa hadba halkii wax loogu gooyo sidaa dated ayeeysan meesha kamarnayn in saxaafadu Dhinaca nabadana ay horseedi karto.
Hal warbin oo xaga nabada laga qoro ayaa wax weyn u taraysa umada soomaaliyeed ee in dhohooda iyo dhagahooduba ay kubateen warbixinada Buun buuniya Colaadaha dalka kajira.
Ma jiro Suxufi dafiri kara in saxafiyiinta manta ay gacan kageystaan hurinta Colaadaha Soomaliya oo ay Qalinkooda sida rasaasta oo kale u gu afuufaan iyagoo kabad badiya meelaha la isku dagaalo kawaramidooda sida dagaaladu u dheceen meelaha ay kadheceen,qof ladilay,wax naxadin leh iyo musiibooyin ay iyagu afkooda u abuuraan.
Soomaaliya waxay u baahantahay Saxaafad Wadani ah oo aqoonsan tixgalinta qaranimo Soomaaliyeed.
Suxufiyiintu waxaa ay kaga qeyb qaadan karaan nabada soomaliya iyagoo qoraalo ka sameeya Qiimaha Nabada waxaana tusaalaha ugu dhaw ay kasoo qaadan karaan Dhulka Soomaaliland Doorashooyinkii dhawaan kadhacay oo hadaysan nabadi kajirin aysan marnaba qabsoomeen.
Hadii aad isku daydo in aad u kuurgasho website-yada Soomaliga wax ku daabaca marnaba ma arkeysid mid ay kamuuqato astaan lagu baadi goobayo soomaaliyadii bur burtay waxaana ay ku mashquulsan yihiin difaacida beelaha leh halkii difaaca qaranimada soomaliya iyo baadi goobkeeda laga rabay.
Ugu dabeyntii dalka Kenya dhibaatooyinkii dhawaan kadhacay Saxaafadeeda ayaa gacan ka geysatay siidi looga gudbi lahaa waxaana TV-yada Shaashadaha ku soo qoreen SAVE OUR NATION oo macneheedu tahay Badbaadi qarankeena Maxaa u diidi kara Mida soomaliyana in sidaa oo kale ay warbixin kasta kusoo daabacaan?
Ubax Daahir Cismaan
ubaxdahir2000@hotmail.com
www.wariyaha.com
Maamulka Wariyaha.com Kala xiriir Email:suxufi@yahoo.com |