Naadiga saxafiyiinta somaliyeed ee dalka talyaaniga ayaa doortay gudoomiye cusub
Naadiga saxafiyiinta somaliyeed ee dalka talyaaniga oo marka lasoo gaabiyo looyaqaano (USSI) ayaa manatay doortay gudoomiye cusub. Kulan ay maanatay isku yimaadeen naadiga saxafiyiinta somaliyeed ee dalka talyaaniga waxay ku doorteen gudoomiye cusub xilkaan ayaa waxaa horay uhaayay cawaale jaamac salaad oo ah wariye caanka ahaa somaliya garahaan gobalada puntland. Iyadoo gudoomiyaha cusub ee naadiga saxafiyiinta somaliyeed ee dalkaan talyaaniga maantay loo doortat wariye maxamuud cabdullahi cigale (maxamudkoronto). Kadib kulan balaaran oo ay maanatay isku yimaadeen xubnaha uu naadiga ka koobanyahay iyadoo doorashadaana ay kasoo qayb galeen wariyaal ad ufarabadan oo iskugu jira wariyaashii xiliyadii danbe kasoo cararay dhibaatada somaliya iyo kuwo horay ujoogay wadankaan sidoo kale ururka saxafiyiinta somaliyeed ee talyaniga ayaa waxay doorteen xubna kale oo muhiim ah waxayna doorashadu udhacday sidaan
maxamuud cabdullahi cigale (maxamudkoronto)gudoomiye cawaale jaamac salaad xoghaye guud axmed cusmaan muuday kuxigeenka xoghaye guud maryan axmed cabdulle (maryan qaran) xoghayaha arimaha dibada layla axmed diiriye xoghayaha maaliyada c/risaaq niiniile xoghayaha warfaafinta Ugu danbeyntii gudoomiyha cusub ayaa golahisa cusub kula dardaarmay inay si wax ku oola ah u gutaan arimaha loo xilsaaray wuxuuna amaan u soo jeediyay gudoomiyihii hore mudane cawaale jaamac salaad sida wacan ee uu howshiisa u soo gutay isagoo ku tilmaamay howlkarnimo iyo waliba inuu u soo dhabar adeegay mudadii uu hayay gudoomanimada xaadiga suxufiyiinta isagoo kula dardaarmay inuu howsha meeshiisa ka sii wado. sidoo kale waxaa doorashadaan kahadlay wariyaal caan ah oo uu kamid yahay aadan sabriye. inbadan ayaan saxaafada ku arakaa urur saxafiyiin ee meel iskugu yimid hadana doortay gudoomiye markale ayaan hadana arkaa ayagoo is eedaynayaa marka waxaa laydiinka rabaa in aadan sidaa noqona ayuu yiri aadn sabriye oo soo dhaweeyay doorashada gudoomiyaha cusub ee naadiga saxafiyiinta somaliyeed ee talyaaniga sidoo kale maxamed roberta ayaa asigana wax aad loogu farxo ku tilmaamay in wariyaasha ay doortaan gudoon maadaama ayuu yuri ay wataan halmagac oo ah saxafi islamarkaana ay isku dan yihiin.sikastaba ahaatee waxaa wali dhiman oo aan ladooran xubna kale oo loo balamay in ladooran doono malinima qamiista ah ee soo socota . axmed cusmaan alcadaal5@hotmail.com www.wariyaha.com
www.wariyaha.com
Maamulka Wariyaha.com Kala xiriir Email:suxufi@yahoo.com |