Afka Soomaaliga oo sheegay in uu ka tagay Idaacadaasi

Siciid Cali Muuse oo ahaa Weriyaha BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga muddo aan yaran ayaa caawa sheegay in uu ka fariisanayo howlahiisa Shaqo ee uu Idaacadaasi u hayay.

Weriyaha oo caawa soo jeedinayay warka caalamka Idaacadaasi, isla markaasina mikirifoonka ku sii wareejinayay Axmed Cabdi Nuur oo barnaamijka daadihinayay, ayaa sheegay in ay intaasi uga egtahay shaqadii uu ka hayay Idaacada BBC-da, kaddib markii uu shaqo ka helay laan ka mid Qaramada Midoobay uuna uga shaqeyn doono meel Qaarada Afrika ka mid ah oo uusan carbaabin, isaga oo shaqdaasi bilaabi doona sida uu xaqiijiyay Bishan Aaqirkeeda.

Waxaana lagu wadaa waraysi arrintiisa la xiriira in ay siidayn doonto Idaacada BBC-da sida ay sheegtay.

Weriyaha ayaad aad ugu mahad celiyay dhamaan dhagaystayaalka BBC-da meel kasta oo ay joogaan iyo Asxaabtiisa oo ku kala sugan caalamka.

Siciid Cali Muuse ayaa ahaa Weriye u qabilsanaa Idaacada BBC-da Barnaamijyo badan oo uu ka midka yahay kan ciyaaraha oo aad loogu yiqiinay.

Waxaan filyaa aniga oo ka mid ah Saxafiyiinta Soomaaliyeed in uu jaanis siiyay Siciid Cali Muuse Weriyayaal da’ yar oo iminka ku sii jeeda Daarta Bush House.

 

W/Q Mohamed Ali Abdi (Royter)
maxamedroyter@hotmail.com
Nairobi, Kenya

www.wariyaha.com

Maamulka Wariyaha.com Kala xiriir Email:suxufi@yahoo.com

 

Designed by :dayaxtechnology Email:dayaxtech@hotmail.com