2 Idacadood oo shaqadoodii u joojiyey ka dib markii ay Amaro ku soo rogeen Culumada Ahlu Sunaha wal Jameeca

Labada radio ee shaqada joojiyey ayaa
lahu kala magacabaa radio Cabudwaaq iyo Radio
badbaado
kuwaas oo labaduba ka howlgali jirey Degmada
cabudwaaq
ee Gobolka galgaduud waxan maanta ay hakad
galiyeen
shaqadii bahinta aheyd ee ay wadeen iyo
barnaamijyadii
ka dib markii amaro lagu siiyey in ay
joojiyaan barnaamijyada
qaar ay bahin jiriin iyo waliba magaca
Mujaahidiinta
.
sida uu shegay Agasimha
idacada Radio
Cabud waaq Cabdirasisaaq "waxaa Amar nalaku
siiyey
in aan joojino barnaamidjo taxane ah oo
diiniya oo laga
siideyn jirey oo uu lahaa Shiikh Mustafa
ismaciin Harun
iyo kuwo kale waxan kale oo ay si la mida nagu
yirahdeen
Joojiya in aad shaabab ugu yeertaan Xarakada
mujaahidiinta
Al-shabaab ee waxaad ugu yeertaan xarakada
shaabab oo
kaliya" ayuu yiri.
Sidoo kale waxaa uu shegay
isna tifatiraha
Radio badbaado Cabdiwali Xasan ayaa isna
shegay in lagu
amrey in ay joojiyaan barnaamijka jimcada laga
sii daayo
idacdooda ee hadalheynta todobadka e ka baxa
idacada
horn Afric ee magalada Muqdisho oo ay ka
bahiyaan Degmada
Cabdudwaaq iyo sidoo kale barnamijyada ka baxa
hon afrih
ee shegaya Mujaahidiinta Al-shabab.
Waxaana ay labadaan idacadood ka dib amradaan
joojiyeen
howlahoodii bahinta iyadoo manta aysan wax
barnamijyo
ah soo gudbin ayna amusanyihiin oo shaqo
joojin ay ku
jiraan.
Dhanka kale waxaa ka hadley
gudoomiyaha
Ahlu Sunaha ee Degmada Cabdubwaaq Sheikh
Ibarahin Cabdullaahi
oo shegay in aysan ku amrin la xiro idacadaha
lakiin
ay ku amreen in aysan baahin Karin eryga ah
Mujaahidiinta
wax la yiraahdo iyo waxyabo kale oo aan loo
bahaneyn
in ay ka bahiyaan idacadaha.
waxan la filaya in malinta
bariya ay
kulan ku qaataan masuuliyiinta Ahlu Sunah ee
cabudwaaq
iyo idacadaha manta howsha joojiyey lamana oga
waxa
ka soo bixi doona
Waxana ay noqoneysa markii
ugu horeysey
ee Ahlu Sunah Wal jameeca ay si cad Amro ugu
soo rogaan
Idacadaha ka howl gala meelaha ay ka taliyaan
oo sidaas
ay ku tiamdo shaqo joojin ay sameeyaan
idacadaha ka
howlgala Deganada ay ka taliysaan.
xigasho :www.dayniile.com
www.wariyaha.com
Maamulka Wariyaha.com Kala xiriir Email:suxufi@yahoo.com |