Weriye Raage Oomaar Oo Kullan Caalami ah La Qaatay Suxufiyiinta Soomaalida Ee K/Africa + Sawiro

Raage Oomaar, oo hawlo shaqo u yimid dalka Koonfur Africa, ayaa
waraysiyo uu ku eegayo afkaaraha kala duwan ee ay Soomaalida ka qabaan
nolosha dalkan South Africa la qaatay qaar ka mid ah ganacsatada iyo
aqoonyahanada Soomaalida, isagoo muujiyey hawlkarnimo uu caalamka ku
tusayo tacadiyada ba’an ee dalkan loogu gaysto qaxootiga Soomaaliyeed.
Hadaba Ururka Saxafiyiinta Soomaalida South Africa ee marka magaciisa
lasoo gaabiyo loo yaqaano *SOJASA*, ayaa kullan ahmiyad leh kula qaatay
Weriye Raage Oomaar Hotel ku yaala Magaalo-xeebeedka Cape Town, kaasi
oo si weyn la iskula falanqeeyey dardar gelinta hawlaha Saxaafadda ee ay
dalkan ka hayaan saxafiyiinta Soomaaliyeed.
Oomaar, ayaa ugu horeyn sharaxaad kooban ka bixiyey taariikhdiisa
saxaafadeed iyo sida dhabar adeyga leh ee uu kusoo gaaray heerka uu
haatan ka taagan yahay Saxaafadda Caalamka, isagoo sidaasi si la mid
ahna kula dardaarmay Saxafiyiinta Soomaalida ee ka hawlgala K/Africa in
ay si hufan u gutaan waajibaadkooda saxaafadeed islamarkaana ay si siman
u tebiyaan dhacdooyinka Soomaalida.
Gudoomiyaha Saxafiyiinta South Africa Maxamed Muuse Nuur
{Deeq-Darajo} ayaa si weyn u amaanay dhiirigelinta saxaafadeed ee uu
siiyey Weriye Raage Oomaar oo uu ku tilmaamay Saxafi karti badan u leh
hawlaha saxaafadda,islamarkaana kudayasho mudan isagoo sidoo kalena u
mahad celiyey Gudoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida ee SASA Inj. Xuseen Cali
Cumar oo goob joog ka ahaa kullankaasi.
Weriye Raage Oomaar, oo ka tirsan Saxafiyiinta ugu hawlkarsan
Weriyaasha Warbaahinta Caalamiga ah ee Aljazeera, islamarkaana daadihiye
ka ah Barjaamijka Goobjoog *Witness* ayaa shaashadaha dunida kasoo
muuqday ka dib warbixino uu si is daba joog ah uga soo tebinayey dalka
Ciraaq xilligii duullaanka ba’an ay xukumaddii Sadam Hussein ku
afgembiyeen huwanta uu hogaaminayo Maraykanka sanadkii 2003.



C/risaaq C/laahi Maxamed
Indhojaceel2003@hotmail.com
www.wariyaha.com
Maamulka Wariyaha.com Kala xiriir Email:suxufi@yahoo.com |