Afhayeenka Baarlamanka Engiriiska oo Hambaliyo muuqaal ah usoo diray wariye soomaaliyeed(Daawo).

Afhayeenka Baalamaanka dalka Ingriiska John Bercow ayaa hambaliyo muuqaal ah usoo diray wariye Maxamed Colaad Xassan oo ka tirsan idaacada BBC-da laanteeda afka English-ka oo dhawaana ku guuleystay abaalmarin caalami ah oo sanad walba laga bixiyo Aqalka Odayaasha Britain ee loo yaqaan House of Commons Ama baarlamaanka.

Bercow ayaa amaanay kartida  wariye Maxamed Colaad oo uu sheegay in uu u dhabar adeeygay in bulshada caalamka uu usoo tabiyo dhibaatada heysata dadka soomaalida ah.


"waxaan kuugu hanbaliyeynayaa abaalmarinta aad ku guuleystay, runtii waad u qalantaa madaama xaalad adag aad ku shaqeyneysay mudo"

John Bercow waxa uu ku dheeraaday amaan uu si gooni ah ugu soo jeedinayay Maxamd Colaad oo uu ku tilmaamay in dadaalkiisa uu ku gaaray abaalmarinta in isaga la gudoonsiiyo isagoo intaas ku daray in uu yahay shaqsi mudan kudayasho marka laga hadlayo saxaafada ama saxafiyiinta  Soomaalida .


Maxamed colaad ayaa dhawaan markii la gudoonsiiyay abaal marinta Abbot Award ee sanadkan 2010 waxaa si isdaba joog ah uu u helayay Hambaliyo ay usoo gudbinayeen rag magac ku leh dunida oo isugu jira fanaaniin iyo saxafiyiin ka howl gala idaacadaha iyo wakaaladaha dunida ugu afka iyo magaca dheer, isagoo noqday wariyihii ugu horeyay ee Soomaali ah oo abaal marintaas ku guuleeysata.


Maxamd hada waa gudoomiyaha ururka Saxafiyiinta Warbaahinta Dibada La hadasha(Somali Foriegn Correspondents Association) ee loo soo gaabiyo SOFCA).

HADABA----
Halkan ka daawo fariinta Muuqaalka ah ee uu Soo diray Bercow.

 

www.wariyaha.com

Maamulka Wariyaha.com Kala xiriir Email:suxufi@yahoo.com

 

Designed by :dayaxtechnology Email:dayaxtech@hotmail.com